IGAD:“Anagu waxba kama badali karno sharuucda doorashada iyo qaabka loo asteeyay”

Reading Time: < 1 minute

Wakiilka IGAD Dr. Maxamed Cali Guyo ayaa maanta kula kulmay magaalada Kismaanyo musharaxiinta diiday in ay isdiiwaan galiyaan kana haray doorashada Jubbaland.

Wakiilka IGAD ayaa ka dhagaystay musharaxiintii hore tabasho ay  u soo jeediyeen gudiga doorashada iyo Madaxweyne Axmad Madoobe. Dr Guyo ayaa u sheegay in uu u yimid Kismaanyo in uu dhagaysto isla markaana indha indheeyo qaabka ay u socoto qaban qaabada Doorashada Jubbaland.

Dr. Guyo iyo wafdigiisa ayaa  u sheegay musharaxiintii hore in ayan IGAD lahaynin awood ay wax kagaga badasho geedi socodka doorashada ama sharuucda lagu hogaaminayo doorashada madaxtinimada Jubbaland. Dr Guyo ayaa yiri “Anaga waxba kama badali karno sharuucda doorashada iyo qaabka loo asteeyay, wixii aan ku arkay  Kismaanyo waxa aan u gudbinayaa hogaanka IGAD”.

Dhanka kale Dr Guyo iyo wafdigiisa ayaa waxa ay soo booqdeen goobta loo asteeyay in ay ka dhacdo doorashada oo dib u dhis lagu sameeyay.  Wafdiga  ayaa aad uga maqsuuday sida loo nimaadiyay goobta doorashada. Wafdiga ayaa la filayaa in ay berito ka ambabaxaan magaalada Kismaanyo.

Inta ayan ka bixin Kismaanyo IGAD waxa ay la kulmaysaa qayabaha kala duwan ee bulshada. Odoyaasha dhaqanka ayaa u sheegay  wafdiga IGAD in ay yihiin kuwii saxda ahaa wakiilka ka yihiin reer Jubbaland isla markaana ay ku qanacsan yihiin qaabka doorashada Jubbaland us socoto.

Doorashada Jubbaland ayaa wax ka hartay waqti ka yar labo asbuuc.