IGAD oo si farsamaysan u taageertay geedi socodka doorashada Jubbaland

Reading Time: < 1 minute

Qoraal maanta ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa si farmsaysan IGAD uga lug baxDay codsigii ay soo jeediyeen musharaxiinta aan isdiiwaan galin taas oo ahayd in IGAD ka hortimaado qaabka loo wado doorashada.

Qoraalka maanta IGAD soo saartay ayaa ay ku sheegeen in ay wafdi ka socda IGAD la kulmeen qaybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland waxaa ay qoraalkoodu ku baaqay in doorasho xalaal ah lagu qabto jubbaland.

Sidoo kale IGAD ayaa ugu baaqday qabyabaha kala duwan ee isku haysta doorashada Jubaland ay qilaafkooda ku dhamaysyaan wadaxaajood.

Hadalka farsamaysan ee maanta ka soo baxay IGAD ayaa soo afjaraya rajadii ay ka qabeen musharaxiinta aan isdiiwaan galin in IGAD Ka hor timaado geedi socodka doorashada Jubbaland ama ay eedeeyaan madaxda Jubbaland.

halkaan ka aqriso qoraalka IGAD