IGAD oo ka gaabsatay inay si buuxda u taageerto codsiga Soomaaliya ee ka qaadida cunaqabateynta

Reading Time: 2 minutes

Wasiirrada arrimaha dibadda urur goboleedka IGAD ayaa si aan cod buux a ahayd u sheegtay inay u soo dhaweynayso codsi uu  u soo jeediyay Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) oo ahaa in Soomaaliya lagu garab istaago qorshaha ay ku doonayso in laga qaado cunaqabataynta hubka ee wakhtiga dheer saaran.

IGAD sidi looga baahnaa uma ayan garab istaagin Somaaliya, waxaana muuqata inay gacan bidixeynayso Soomaaliya. IGAD ma aha kalaya inay tiraahdo waan soo dhaweynaynaa codsiga Soomaaliya, balse waxa ay ahayd inay si buuxda u garab istaagto Soomaaliya oo ay qayb ka noqoto olalaha Soomaaliya ay ku doonayso in looga qaado cunaqabaynta hubka.

Dhank kale, Wasiir Abshir Cumar Jaamac ayaa ka sheegay shirka 48-aad ee wasiirrada arrimaha dibadda IGAD oo  ka dhacay Khartoum in cunaqabataynta hubku caqabad ku tahay qorshaha dowladdiisa ee ah Soomaaliya Nabadgelyo ah oo Xasiloon, wuxuuna ka codsaday inay IGAD garab istaag buuxa siiso qorshaha dowladda Soomaaliya ee Golaha ammaanka mar kale lagaga codsanayo in laga qaado cunaqabataynta hubka.

Dhinaca kale wasiirrada arrimaha dibadda IGAD ayaa isla qaatay codsi kale oo dowladda Soomaaliya soo jeedisay oo ahaa in mashaariicda horumarinta iyo fursadaha hoggaaminta iyo shaqooyinka ururka IGAD si caddaalad ah lagu qaybsado maadaama Soomaaliya oo ka mid ah dalalkii asaasay ururka aysan hellin saamigii ay xaqqa u lahayd ee xagga mashaariicda iyo hoggaanka ururka labadaba.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa kaashanaysa ururrada ay xubinta ka tahay Soomaaliya sida IGAD, midowga Afrika iyo kuwo kale si loogu guulaysto qorshaha dowladda ee ah in la qaado cunaqabataynta hubka.