IGAD oo diyaarisay qoraalkii (MEMO) wadahadalka Soomaaliya iyo Kenya iyo dacwadii badda oo dib loo dhigayo (Xog)

Reading Time: 3 minutes

Sida ay MOL u xaqiijiyeen dublamaasiyiin lagu kalsoon yahay oo ku kala sugan magaalooyinka Nairobi, Doha iyo Addis Ababa, Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxa uu ogolaaday in Dacawada Badda Soomaaliya dib loo dhigo.Farmaajo ayaa wadahadal hoose la wada dalka Kenya. Wadahadalkaas hoose waxa hogaanka u hayay Ganacasade Axmad Adan (Axmad Dhere)oo ah ninka u maalgaliya lacagta Farmaajo, waxa uuna Nairobi ku hayaa  hanti uu si hoose u iibsaday Farmaajo iyo Xaaskiisa.. Axmad Dheere iyo qaar ka mid beesha Mariixaan ayaa wadahadal la furay dowlada Kenya iyo Itoobiya. Axmad Dhere oo ku dhashay deegaanka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa waxa uu u kala dabqaadayay labada dhinac bilihii la soo dhaafay.

Dowlada Itoobiya ayaa waxa ay ergo u kala dirtay dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Wasiirka Maasliyada ee dalka Itoobiye Axmad Shide oo dhaawan tagay Muqadishu kulana kulmay halkaas Farmaajo ayaa waxa uu la wadaagay Farmaajo qabyo qoraalka laga doonayo in ay saxiixaan labada dal, waxaa sidoo kale Farmaajo lagu qanciyay in uu Addis Ababa tago si uu halkaas ugula kulmo Madaxweyne Uhuru Kenyatta. Farmaajo ayaa la siiyay fursada ah in uu isaga soo sheego waqtiga ugu fiican ee uu imaankaro Addis Ababa.

Dhanka kale Safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Kenya Meles Alem ayaa kulamo gaar ah la qaatay  Axmad Dhere oo ku hadlaya magaca Dowlada Soomaaliya. Draft ama qabyo qoraalka ay labada dhinac kala saxiixan doonaan ayaa waxa si wada jir ah uga shaqeeyay Axmad Dhere iyo Meles Alem  halka safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Nur Tarzan ayan cidi ku wargalin halka ay mareyso dacawada.

Labo Asbuuc ka hor ayay ahayd markii lagu amray Tarzan in uu dalka dib ugu soo noqo iyada oo laga baqayay in uu wax ka ogaado wadahadlka qarsoon  ama uu xog’ogaal uga noqdo waxa jira.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo dalka Belgium Mudane Cali Fiqi oo arintaan xog’ogaal u ahaa kana soo shaqeeyay markii hore waa laga qariyay wadahadalka qarsoon ee u socdo labada dal. Safiir Cali Faqi ayaa waxa uu joogay magaalada Muqadishu in ka badan labo bilood isaga oo sugayay in loo magacaabo Wasiirka Arimaha Dibada. MOL ayaa loo xaqiijiyay in Cali Faqi aanan lala socodsiin wadahadalka qarsoodiga ah oo ay wado dowlada Soomaaliya.  MOL oo la xiriirtay  Cali Faqi ayaa ku soo gaabsaday hadalkiisa Saxiiboow sida aad adiga u yaaban tahay aan anigana u yaabanahay”.

Dowlada Qatar oo horay kula soo kulantay Xasan Kheyre magaalada Doha isla markaana uu Xasan Kheyre ogolaaday in Dowlad Qatar  ay qayb ka noqoto geedi socodka dacwada badda ee Soomaaliya ayaa  dowlada Qatar safirikeeda  Kenya Jabr Bin Ali Al-Dosar u xilsaaratay in uu arintaas wakiil uga noqdo dalkiisa.

Safiirka Qatar  ayaa todobaadkaan soo gaarsiiyay dalka Kenya qoraal gaar ah oo uu ka sida Ra’iisal Wasaaraha Dalka Qatar. Dublamaasiyiin xog’ogaal u ah wadahadalka Kenya iyo Qatar ayaa u xaqiijiyay MOL in qoraalkaas uu dabo socdo arimada Dacwada Badda. Dowlada Qatar ayaa rumaysan in danta Soomaaliya ku jirto in ay ka tanaasusho dacwada ka socoto maxkamada caalamiga.

Da’daalada dhanka Kenya waxa hogaaminaya safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Soomaaliya Mudane Donald Yamamoto oo rumaysan in danta Soomaaliya ay ku jirto in dacwada dib loo dhigo. Waxa uu yiri Soomaaliya darauufaha haysta awgood dan uguma jirto in ay Kenya maxkamad la tiigsato”.

Sdioo kale Farmaajo ayaa u xilsaaray Abiy Axmad oo ah Gudoomiyaha Urur Goboleedka IGAD in uu isaga hogaanka u qabto qaabka loo wajahayo dacawada Kenya. Waxaana la isla gartay iyada oo la istcimaalayo magaca IGAD in dacwada Soomaaliya iyo Kenya hakad la galiyo. Dhanka kala Farmaajo ayaa waxa uu codsaday in la helo qaab iyo dhaqaale loo adeegsado wacyi galinta shacabka Soomaaliyeed oo la hubo in ka hor imaan doonaan go’aan kastaa oo lagula waregayo badda iyo Kheyraadka Soomaaliya.

Dowlada Maraykanka ayaa waxa ay maalgalin doonta hay’do  laga leeyahay dalka Ingriiska oo qandaraas lagu siinayo in ay la timaado hal abuur iyo barnaamijyo lagu badalayo wacyiga iyo dareenka shacabka Soomaaliyeed ee ku wajahan xaraashka Badda iyo Kheyraadka Soomaaliya.