Idaacadda Ku Taala Cadada oo Qalabkeeda la qaatay(SAWIRO)

Reading Time: < 1 minute

Sida uu sheegay Agaasimaha Radio Cadaado Sharmaake Suuleey waxaa xalay koox burcad ah ay qaateen Qalabkii ay ku shaqeeneysay Idaacadaasi.

Dableyda Qalabka Raadiyahaasi la wareegay ayaa la sheegay inay qaateen Fm-tii iyo Maksarkii Idaacada ku shaqeyneysay.

Labo Qof ayaa kusugneyd Xarunta,balse ma aysan arkin marka la qaadanayey Qalabkaasi.

Ma uusan sheegin cid uu tuhmay Agaasime Sharma’arke Suuleey inay Qaateen Qalabkii Raadiyahooda la baxay.

Radio Cadaado ayaa ka mid aheyd Idaacadaha laga dhageysto Magaalada Cadaado Ee Gobolka Gal gaduud ahna Xarunta Baarlamaanka Galmudug.