Ibrahim Bursaliid oo galabta la soo daayay ka dib markii danbi lagu waayay

Aqoonyahanka Ibrahim Bursalid oo dhawaan ay xireen askarta dalka Kenya ayaa galabta laga sii daayay xabsigii uu ku jiray ka dib markii lagu waayay wax danbi ah.

Ciidanka Booliiska ee dalka Kenya gaar ahaan kuwooda qaabilsan arimaha argagaxisada ayaa ku eedeyay Ibrahim Bursalid ii uu galay danbi la xiriira argagixiso. Maanta ayaa qareenadii u doodayay ku guulaysteen in la sii dato Ibrahim Bursaliid.

Warar hordhac ah ayaa sheegayo in xirida Ibrahim Bursaliid ay lug ku lahaayeen dad ka tirsan Dowalada Fedaraalka Soomaaliya. Ibrahim ayaa la filayaa in uu saxaafadda la hadlo maalmaha soo socda isaga oo sheegi doono dadkii ka danbeeyay xarigiisa.

Waxaa sidoo kale maanta la soo daayay dhowr qof oo la xirnaa Ibrahim Bursaliid.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here