Hubkii doowlada Jabuuti ugu deeqaday Soomaaliya halkee la geeyay?

Reading Time: < 1 minute

Hub isugu jiro noocyo badan ayaa dowlada Jabuuti dhawaan ugu deeqday dowlada Soomaliya. Hubkaan oo qaybtiisii koowaad dhaaan soo gaaray magaalada Muqadishu ayaa gabi’ahaantiisba waxaa la wareegay koox ka baxsan hogaanka ciidanka oo si gaara u hoostaga RW Kheyre. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Muqadishu Online ayaa xaqiijiyay in RW Kheyre amar ku bixiyay in hubkaas geeyo xarinta nabadsugida ee Gobolka Banaadir laguna wareejiyo madaxa NISA ee gobolka Banaadir Sadaq John.

Sadaq John ayaa dad badan ku laayay magaalada Muqadishu isaga oo ku sahqeeynaya magaca RW Xassan Cali Kheyre. Hadaba waxaa dad badan is waydiinayaa RW Kheyre maxuu damacsan yahay in uu ku sameeyo hubkaas? Sarkaal ka tirsan ciida NISA oo ka gaabsaday in uu magaciisa sheego ayaa yiri “ waxa ay nagu tahay fajac in hub qarnka leeyahay la keeno ka dibna shaqsi uu qol ku xirto” waxa uu intaas ku daray “ koleey qorsho ayaa Sadaq John iyo Kheyre wataan mana filaayo in uu noqon doono mid meel fiican ku danbayn doono”