Warar hoose oo ay heleyso Wakaalada Muqdihso Online ayaa sheegaya in Hub nuucyo kala duwan isugu jira uu galay gacanta dagaalyahanada Al shabaab.
Hubkan oo isugu jira qoryaha yar yar iyo kuwa waa weyn ayaa ku xareysnaa Xerada Gen. Gordan oo ku taalla degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxaana la sheegay in Saraakiil sar sare oo dowlada ka tirsan ay Al shabaab u daabuleen iyadoo laga siiyay lacago aad u badan.
Dowlada Soomaaliya ayaa wada baaritaan ku aadan cidii hubkan Al shabaab ku wareejisay, waxaana jira magacyada saraakiil laga shakisan yahay oo dib laga soo gudbin doono.
Laba maalin kahor iska hor imaad Ciidanka Imaaraadka uu tababaray iyo Ciidanka xoogga dalka ku dhexmaray gudaha xerada ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca Askar labada dhinac ka tirsan, waxaana xiligaasi la sheegay in la isku heystay hubka xerada yaalay oo Labada dhinac ee dagaalamayba ay doonayeen inay iibsadaan.
Sidoo kale waxaa jira hub aad u badan gudaha Magaalada Muqdisho lagu kala iibsanayo waxayna Ganacsatada Suuqyada Magaalada Muqdisho ku helayaan qiimo jaban.