Hub farabadan oo lagala baxay baqaarka keyda hubka ee NISA

Reading Time: < 1 minute

Kaddib magacaabiddii golaha wasiirada ee Agaasimaha hay’adda NISA, ayaa waxaa habeenimadii xalay lagala baxay maqaasiinka keydka hubka ee NISA hub aad u farabadan. 

Waxaa saakay lagu waaberiistay keydkii hubka NISA oo maran, waxaana xog aay heshay Muqdisho Online aay sheegeysaa in keydka hubka lagala baxay 22 qori oo ah nooca loo yaqaan daba-jeex, 45 qor oo ah nooca AK-47. iyo 250 bistooladood, waxaa kale oo halkaa lagala baxay 24 sanduuq oo rasaas noocyo kala duwan ah.

Falkan oo saaka lagu wargeliyay Taliyaha cusub iyo RW Kheyre ayaanan ilaa hadda wax jawaab ah ka bixinin. Dadka qaar ayaa sheegayo in hubka uu la baxay ku-simihii NISA Cabdulqaadir Maxamed (Jaamac). 

Sarkaal ka mid ah NISA oo ayaa Muqdisho Online u sheegay in hubka la geeyay hoyga hoggaamiyaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadn uu Muqdisho ka degen yahay.

Wixii soo kordho dib ayaan idiinkaga soo sheegi doonaa.