Reading Time: < 1 minute

Waxaa duleedka magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya  gar ahaan degmada Sebeta lagu qabtay  hub fara badan oo isugu jira hubka fudud iyo kan culus , waxaana ka mida  hubka la qabtay 52 qori oo si sharci daro ah magaalada loo soo galiyay.

Booliska Federal ka Itoobiya ayaa sheegay in ay hubkaan ku qabteen meel gaadiidka lagu baadho oo katirsan degmada Sebeta, kuna taala duleedka magalada Addis Ababa. Arintan ayaa timid xiilo ee degnaasho la’aanta kusi batay qayba kamid dalka Itoobiya.

iyada oo xaalada siyaasada dalka itoobiya ay ka sii dareyso maalinba maalinta ka danbeeysa  ayaa magalaada Addis Ababa waxaa lagu soo daad gureeynaa hubka noocyadiisa kala duwan ilaa hadana lama oga koxaha  rasmiga ah ee ka danbaysa ama dabada ka riixaysa in hub intaas gaadhaya lagu soo daabulo magaalada Addis Ababa.