Reading Time: < 1 minute

Dalka Ingriiska ayaa waxaa lagu xiray hoyooyin Somali ah oo lagu soo eedeeyay in ay si qarsoodi ah ugu sameeyeen gabdhahooda gudniinka Fircoodiga ah oo dalka Ingirirska ka  ah sharci daro.

Nin Somali ah oo ku soo gaabshay magaciisa Yusuf ayaa yiri  waxa gurigeeyga iigu yimid dad ka socda dowlada Ingriiska qaybta xanaanada caruurta, waxa ay qaateen caruurteena, waxa ayna  xabsi u taxaabeen xaaskeyga iyaga oo aan waxba na waydiini.

Yusuf ayaa qorsheynayay in uu caruurtiisa u qaado Somaliland, sidaas darteed ayaa waxa dowlada Ingriiska lagu wargaliyay in sababta uu u qaadayo caruurtiisa ay tahay in uu ku soo sameeyo gudniinka fircooniga ah.

Sharciga Ingriiska ayaa qaba in cidii lagu helo in ay  caruurtooda ku sameeyeen Gudniinka Fircooniga ah lagu xakumo ilaa 14 sano oo xabsi culus ah. Horay ayaa hoyooyin Somali ah loogu helay danbi noocaan ah oo hada xabsi ku jira.

Waxa jira hay’addo difaaca xuquuqda gabdhaha oo Somali ka shaqeeyso kuwaas oo ka ka diga in Gabdhaha Soomaaliyeed la dhibaayeeto.

1 COMMENT

  1. Waa dhibaato muddo badan somali deris la ahayd Gudniinka ama jarjarida jidka gabdhuhu.Tan kale Qaadka oo ah masiibo qaran ayaa isaguna somaliya ka dhigay wadan ay lacagtiisa wadamo kale u ah dhaqaalaha ugu balaadhan halka somalidana ay dabadeed gaajo u dhintaan bedelkeeda.
    Dumarka iyo ragga ku hawlan Gudniinka ama dhibaateynta gabdhaha waa inay dhadhamiyaan waxay xaq u leeyihiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here