Howlgalo wadajira oo Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ka fuliyeen Shabeelaha Hoose.

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada Xoogga Dalka & Militariga AMISOM ayaa howlgal wadajir ah ka fuliyay Gobolka Shabeelaha Hoose sida uu sheegay Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo. Howlgalkaan waxaa iska kaashaday Ciidamada Uganda oo mas’uul ka ah Gobolka Shabeelaha Hoose & kuwa Burundi oo Gobolka Shabeelaha Dhexe wakiil uga ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Deegaannada howlgalka laga fuliyay ayaa kala ah Basra & Deegaanno kale oo u dhaxeeya Degmooyinka Balcad oo Shabeelaha Dhexe ah iyo Afgooye oo Shabeelaha Hoose ah sida lagu sheegay Warka kasoo baxay howlgalka AMISOM.

“AMISOM waxaa ka go’an xoojinta howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, guud ahaan Soomaaliya waxa ay Al-Shabaab lumisay gacan ku heynta dhul ballaaraan, sababta arrintaas keentay waa geesinimada Ciidanka Soomaalida & kuwa AMISOM” ayuu yiri Simon Mulongo.

Gen. Telesphore Barandereke oo ah Taliyaha qaybta 5-aad ee Ciidamada AMISOM waxa uu sheegay in natiijo la taaban karo laga gaaray howlgalka Askarta Midowga Afrika iyo kuwa SNA ay ka sameeyeen Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo ciidanka AMISOM ayaa iska kaashaday howlgallo qorsheysan oo intooda badan ka dhacay Gobollada Shabeelaha Hoose oo Koofur Galbeed ah & Shabeelaha Dhexe oo Hir-Shabeelle ah.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!