Howlgalo qorsheysan oo laga fuliyay Gobolka Jubadda Hoose

Waxaa dib u bilaawaday dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo ay qadayaan ciidanka dowlada oo kaalmaysanaya ciidama AMISOM. Ciidamada sida gaarka ah u tababaran DANAB ee ka tirsan xoogga dalka ayaa howlgal gaar ah ka sameeyay deegaano dhaca duleedka magaalada Kismaayo, iyagoo weeraray goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Wararku ka imanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada DANAB ay howlgal ka fuliyeen deegaanka Araare oo ka tirsan Gobolka Jubadda Hoose, waxaana ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Sida uu sheegay Taliyaha Qeybta Ururka labaad ee ciidanka DANAB ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegay in ciidanka ku sugan deegaanka Baarsanguuni ay fuliyeen howlgalka, isla markaana weerareen deegaanka Araare.

Waxaa uu xusay in aanay jirin wax khasaare soo gaaray, isla markaana howlgalka uu ka dambeeyay markii ay heleen Xog sirdoon. Wararka ayaa sheegaya in howlgalkan ay ka qeyb qaateen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopter

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here