Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ka sameeyay Buuraleyda gobolka Bari ee maamulkaasi.
Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay Ciidamadu ka sameeyeen deegaanada Bali-khadar iyo Sugurre ee gobolkaasi.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalladaasi oo la hadlay Warbaahintaa ayaa sheegay in howlgalladu ay yihiin kuwa looga hortagayo weerarada Al Shabaab iyo Kooxda Daacish ay ka fuliyaan deegaanada maamulkaasi Puntland.
Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in goobaha ay howlgallada ka socdaan ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Kooxahaasi.
Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fuliya gobolka Bari, gaar ahaan fariisimaha Ciidanka Puntland ay ku leeyihiin gobolkaasi.