Kadib hawlgal ka dhacay degaanka Manaas oo qiyaastii 45-KM u jirta Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa ciidamada koonfur galbed waxa ay kuso qabteen Dagaalamayaal ka tirsan al shabaab.
Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Abuukar Gacma oo la hadlay Warbaahinta ayaa wuxuu sheegay Shan nin oo dagaalyahano Shabaab iyo mootooyin ay isticmaalayeen in laso qabtay, sido kale
Afhayeenka ayaa sheegay in sharciga la horgeyn doono shantaasi ruux ee ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen.
Kooxda Shabaab ayaa shalay saacado waxa ay gacanta ku hayeen degaanka Goofgaduud ee Gobolka Baay.