Howlgalo ka soconaya Gobolka Shabeelaha Dhexe

Wararka saakay naga soo gaaraya deegaano hoos yimaada Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMIOSM ay halkaas howlgalo ka wadaan.

Ciidamada ayaa howlgalka intiisa badan waxa ay ka sameeysayaan deegaanka lagu magacaabo Haan-sheekh oo ku yaalla inta u dhexeeysa Magaalada Jowhar iyo Balacd,kadib markii shalay Kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM Qarax lagula eegtay ,xili halkaasi ay socdaal ku marayeen.

Dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay u sheegeen in Howlgal Ciidamada ay wadaan uu yahay mid xoogan,isla markaana gaadiidka isticmaayala wadadaas ay baaritaano ku sameeynayan,iyagoo dadka saarana Su’aallo weeydiinaya.

Inta badan Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar ayaa waxaa ka dhaca weeraro kala duwan,kuwaasi oo lala eegto Gaadiidka ay la socdaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya,waxaana halkaas dhowr jeer oo horey ka dhacay weeraro lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle.