howlgalo ka dhan ah Ururka Al Shabaab oo ka soconaya deegaano hoostaga Gobolka Sh/hoose

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in howlgallo ka dhan ah dagaalamayaasha Al Shabaab ay ka bilowdeen deegaanada gobolkaasi.

Guddoomiye Barre ayaa tilmaamay in u jeedka howlgalladaasi uu yahay, sidii Al Shabaab looga saari lahaa guud ahaan gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaana uu sheegay gudoomiyaha in Howlgalada ay ka socdaan inta u dhexeeysa Degaanada Gandarshi iyo Jilib marka ee Gobalka Shabeelaha hoose.

Ciidamada Xoogga iyo Al-Shabaab ayaa Dhowr jeer waxaa ay ku dagaalameen deegaano hor leh oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan Deegaanada Gandarshe iyo Jilib marka oo dhamaantooda ka wada tirsan Gobalkaasi.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!