Howlgalo Amni Xaqiijin ah oo laga Sameeynaayo Baladweeyne!!

Reading Time: < 1 minute

Wararka Nagasoo Gaaraya Magaalada Baladweeyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada ineey ka sameeynayaan Howgalo amniga lagu xaqiijinaayo

Howlgalkan ay sameeynayan Ciidamada dowlada ayaa waxa uu si gaar ah uga socdaa xaafaddaha ay ka kooban tahay Magaalada, kadib markii xalay halkaasi lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka dowlada Soomaaliya,xili uu ku sugnaa meel ku dhow Saldhiga Booliska Baladweyne.

Dad ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa waxa ay sheegeen in howlgalkan saakay ay Ciidamada dowlada ka wadaan gudaha Magaalada ay ku soo qab qabteen dad u badnaa dhalinyaro kuwaasi oo hadda baaritaano ay ku socdaan.