Howlgallo dagaal oo ka socda deegaanada hoos yimaada degmada Xarardheere

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhaqdhaqaaq ciidan oo ka dhan ah ‘AS’ kawada deegaanno hoostaga Degmada xeebta leh ee Xarardheere Gobolka Mudug Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac & Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen. Maxamed Tahliil Biixi ayaa hoggaaminaya Ciidamada dhaqdhaqaaq kawada deegaannada hoostaga Magaalada Xarardheere.

Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa sheegay in howlgalka uu yimid kaddib markii ay heleen xogo la xiriira dhanka amniga si ay uga hortagaan weeraro ‘AS’ ku qaaddo saldhigyada Ciidanka ay ka sameysteen Degmada Xarardheere.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo garab ka helaya Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa qabsaday saddex magaalo oo muhiim ah oo muddo dhowr & toban sano ay gacanta ku hayeen ‘AS’.

Xarardheere, Ceeldheer & Galcad waa saddexda Magaalo ee maalmo is xig-xigay ciidamada Dowladda Federaalka & Macawiisleyda u suuragashay in ay qabsadaan iyaga oo aanay dagaal kala kulmin ‘AS’ oo muddo maamuleysay.

Galcad waxaa Jimcihii (20ka Janaayo 2023) weeraray dagaalamayaal katirsan ‘AS’ waxaana ka dhashay weerarkaas dhimasho, dhaawac & burbur soo gaaray gaadiidka labada dhinac ay wateen halka uu ku geeriyooday AHUN Taliye ku xigeenkii Ciidanka gaarka u tababaran ee DANAB Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure).