Howlgal ka socdo Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan

Reading Time: < 1 minute

Wararaka laga helayo Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay xaafada howwadaag ee Magaaladaasi lagu dilay oo ka mid ahaa odiyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan.

Dabley hubeysan ayaa Nabdoonka  dishay iyadoona halkaasi ay ka baxsadeen sida ay xaqiijiyeen Dadka Deegaanaka.

Ciidamo ka tirsan Maamulka hir shabelle ayaa goobta gaaray iyadoona halkaasi ka sameeyey baaritaano ay ku baadi goobayaan kooxdii falkaasi ka danbeysay.

Wararkii ugu danbeeyey ee saakay ayaa sheegaya in howgallo ay ka socdaan Magaalada Baladweyne kaasi oo lagu baadi goobayo kooxdii dilka ka geysatay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!