Howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo looga dhawaaqay Galmudug

Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed G/Sare C/Casiis Cabdulahi Cabdi “Qooje” oo ay Wehliyaan Abaanduulaha Qaybta Dhamme Aadan Siyaad Cabdi iyo Taliyaha Guutada 13aad G/Le Cabdiraxman Maxamuud ayaa Kormeeray Ciidamada Guutada 13aad oo Isku Diyaarinaya fulinta howlgallo ka dhan ah  Al-Shabaab oo ku sugan  deeagano  tirsan Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Taliyaha Qaybta 21aad G/Sare C/Casiis Cabdulahi Cabdi “Qooje” Ayaa Ciidamada Qaybta Kaga Mahad celiyay Howlgaladii ugu Dambeeyay ee Laga Fuliyay Deg. Camaara oo lagu Soo Afjarey Shabakad Alshabaab ka Tirsan , sidoo kale Taliyaha ayaa u diray fariin shacabka soomaaliyeed ee ku nool  Degmoyinka Xarardheere, Galhareeri, Ceeldheer, Ceelbuur iyo Dhamaan Deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Ciidamada Qaybta 21aad ee Xoogga Dalka Ayaa Howlgalo Qorsheysan oo Todobaadkan ay Fuliyeen deegaanka Camaara ee Gobolak Mudug ayaa waxaa la sheegay inay kusoo qabteen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here