Reading Time: < 1 minute

Ciidamada Booliiska iyo Nabadsugida ee Ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa la galiyay Heegan buuxa iyadoo Ciidamo dheeri ah lagu Xoojiyay Rugaha Ciidan ee Ku yaala Guddaha xaafadaha.

Cutubyo ciidamada ka tirsan ayaa Baaritaano xoogan kawada xaafada magaalada iyadoo saraakiisha hugaaminaysa ay warbaahinta u sheegeen in lagu jiro foojignaan maadaama ay soo dhowdahay Doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Howlgalada ayaa socday ilaa iyo xalay oo ciidamada lagu arkayay Wadooyinka xaafadaha iyo jidka laamiga ah kuwaa oo suaalo waydiinaya dadka laga shakiyo .