Howlgal Culus oo laga sameyay Magaalada Jowhar

Reading Time: < 1 minute

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Hirshabeelle ayaa xalay waxaa ay howlgalo ka sameeyeen Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Ciidamada ayaa howlgalka waxaa ay ka sameeyeen Afarta xaafadood ay ka kooban tahay Jowhar,waxaana inta uu socday Ciidanka ay baaritaano ku sameeynayeen Guro ku yaalla halkaas.

Dad ku sugan Jowhar oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in xalay mararka qaar ay maqlayeen dhawaqa rasaas ay ridayeen Ciidanka amniga,waxaana sidoo kale baaritaano lagu sameeynayay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee xiligaas isticmaalayay Wadooyinka Jowhar.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayan in Ciidamada ay galeen hotelo dhowr oo ku yaalla halkaas,isla markaana ka sameeyay howlgal qorsheysan.

Sidoo kale warar la helayo ayaa sheegayam in howlgalka lagu qabtay dad u badan dhalinyaro,kuwaasi oo looga shakiyay falal amni darro.