Howlgal Culus oo laga sameeynaayo Duleedka Deg-Afgooye

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada Xoogga ayaa saakay waxaa ay baaritaano ka wadaan duleedka Degmada Afgoooye ee Gobaolka Shabeellada Hoose.

Howlgalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii xalay dagaal culus uu ka dhacay duleedka degmada Afgooye,kaasi oo ay soo qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Militariga Soomaaliya oo ka baxay degmada Afgooye kuna sii jeeday deegaanka Sabiib ayay Al-Shabaab wadada u galeen,waxaana dagaalka uu si rasmi ah uga dhacay deegaanka Cumar-dheere oo duleedka ka ah degmada Afgooye

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobalka Shabeellada hoose iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga eek u sugan Gobalkaasi.