Ciidanka boliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ay howlgal ka fuliyeen Rugta Qudaarta oo ku taal waaxda Taleex ee degmada Hodan ka dib markii shacabka ay ku soo wargeliyeen in labo nin oo burcad ah oo hubeysan goobtaas shacabka ku dhacayaan.
Booliska waxa ay sheegeen in Mid ka mid ah burcadkii goobta lagu toogtay halka kalena uu baxsaday.
Waxaa howlgalka ku dhaawacmay sarkaalka boliiska rugta xukumay, sidoo kalena waxaa ku dhintay hal qof shacab ah sidda ay sheegtay taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Sakiyo Xuseen.
Dhanka kale waxa ay ciidamada boliiska gacan ku soo dhigeen askari boliis ah oo shalay dad shacab ah ku dhawacay degmada Howlwadaag