Howgalo ciidan oo ka socda degmada Afmadoow

Reading Time: 2 minutes

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya degmada Afmadow ciidanka Amaanka Dowlad Goboleed Jubbaland ayaa saaka  waxa ay halkaas ka bilaabeen howl galo ay uga soo horjeedaan kooxda AL Shabaab. Howl galadaan ayaa lagu xaqiijinayo amniga magaalada iyo deegaanada Hoos yimaada Afmadow.

Howlgalkaan oo ay si wada jir ah u wadaan Ciidamada Booliiska, Daraawiishta iyo Nabad Sugidda Jubbaland ayaa  waxaa iyagana dhankooda qayb ka ah booliska degamada Afmadoow.

Howlgaladaan ayaa ku soo aadaya  iyada oo doorashada Jubbaland ay ka hartay in ka yar sasdax asbuuc. Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Degmada Afmadow Gaanshaalle Mahad Maxamed Islaam ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in howl galladii ugu danbeeyay lagu soo qab qabtay dad lala xiriirinayo in ay ka tirsanyihiin Alshabaab,waxa uuna intaa ku daray in haatan baaritaan lagu hayo kiisaskooda.

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing

Image may contain: 6 people, people standing

Image may contain: 1 person, outdoor

Image may contain: 1 person, smiling, standing, child and outdoor