Howgalo amniga lagu xaqiijinaayo oo laga sameeyay Af-gooye

Reading Time: < 1 minute

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Howlgaladaan ayaa yimid ka dib markii maalmihii lasoo dhaafay Magaalada ay ka dhacaayeen dilal qorsheysan oo loo geystay Askar iyo dad Shacab ah.

Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Afgooye.

Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, sida uu soo sheegayo wariye ku sugan Afgooye.

Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla  Magaalada.