Hotel Jazeera oo bishii Agoosto ku dalacay W. Maaliyadda iyo xafiiska RW Kheyre lacag gaareysa $450,000

Reading Time: < 1 minute

Hotelka Al Jazeera ayaa waxaa uu noqday mid ka mida hay’addaha dowladda oo bilkastaa ay dowlada ku bixiso lacago ka badan lacagaha lagu bixiyo mushaarka ciidanka booliska Somaliyeed. Hotelka oo ay wax ku leeyihiin qaar ka mida eheladda RW Kheyre isla markaana wax ka maamulaan ayaa noqday meel loo istcimaalo waxa afka qalaad lagu yiraahdo “Money Laundering” ama lacaga been abuurka ah la soo marsiiyo. Waxaana barnaamijkaan qayb ka ah dhamaan mas’uliyiinta dalka haba u horeeyo RW Xassan Cali Kheyre oo in ka badan labaatameeyo qof  u jiifato Hoteelka.  Sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mida shaqaalaha Hotelka  lacagaha ugu badan waxa la sheegtaa in ay ku baxeen qolal loo xiray RW Kheyre iyo saaxibadiisa, inta badan qolalkaas waxa ku qoran kontameeyo qof oo aan joogin dalka laakiin lacag lagu qaado.

Hadii aan tusaale u soo qaadanao waxaa Hotelka la dejiyay shaqasiyaad iyo ehalooda  kuwaas oo ana  muhiimad gaar ah u hayinin umadda Soomaliyeed sida  Maxamed Xuseen Owliyo, Cabdi Shire Ciyaal jecel oo ah xildhibaan ka tirsan dowladda hadana waxa sida aan xaqiijinay  waxaa  bishii ku baxda labada qof oo kaliya in ka badan $26,850 oo ay u sii dheeraty lacagta mushaarka loo siiyo.

Dowlada sheeganaysa in ay la dagaalayso musuq-maasuqa  ayaa hadana waxaa ay si aan gabasho lahayn ugu takri falaysaa hantida qaranka.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!