Kulanka dhawaan lagu waddo in uu dhex maraya madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa ka dhici doona hoteel ku yaalla jasiiradda Sentosa ee dalka Singapore sida uu shaaciyay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka.
Kulankaan taariikhiga ah ee la qorsheeyay ayaa dhici doona 12 Juunyo, laakiin wali macluumaad badan oo la xaqiijiyay lagama hayo.
Waxay noqon doontaa markii koobaad ee ay kulmaan hogaamiye Kuuriyada Waqooyi iyo madaxweyne xil haya oo Maraykan ah.
Trump wuxuu sheegay Talaadadii in qorsheyaashu ay “si wanaagsan u socdaan”.
“Xiriiro badan ayaa la sameeyay, wada xaajoodyo badan ayaa socda safarka ka hor” ayuu ku yiri saxafiyiinta.
“Waa arrin ahmiyad leh” maalmo aad muhiim u ah ayayna noqon doonaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.