Horjooge ka tirsanaa Al Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada Dowlada FS

Reading Time: < 1 minute

Sida ay baahisay dowlada Federaalka, Sarkaal sare oo ka tirsan horjoogayaasha ururka  Al-Shabaab ayaa xalay  isku dhiibay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Sida laga soo xigtay saraakiisha, Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka caafimaadka Gobolka Galgaduud  Cali Ibraahim ayaa si iskiis ah isu’gu dhiibay ciidamada dowladda. Sarkaalkan ayaa isu dhiibay ciidamada lagu magacaabo Gorgor oo ka hawlgala degaannada Galmudug, kadib markii uu isaga baxay Al-shabaab.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!