Horjooge Al Shabaab oo si-beeleysan loo soo dhaweeyay & falcelin ka-dhalatay

Reading Time: < 1 minute

Horjooge kamida madaxda ugu waaweyn ururka argagaxisada Al Shabaab una qaabilsanaa Gobolka Mudug ayaa waxaa loo soo dhaweeyay si-beeleysan, iyada oo xildhibaanada iyo Wasiirada ka soo jeeda beesha Sacad ay u sameeyeen soo dhaweyn baraha bulshada lagu baahiyay.

Hadaba Saacadihii lasoo dhaafay ayaa hadal-heyn xoog leh ka dhalatay sida loo maareeyey kiiska horjooge sare  Nuur-deeq Cabdulaahi Maalinguur, una dhashay beesha Sacad ee Habargidir.

Dad badan ayaa dhibsaday hanaankii loo soo dhaweeyey sarkaalkaan la sheegay inuu kasoo goostay Al-Shabaab oo Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda federaalka Axmed M. Fiqi iyo Xildhibaanka beeshiisa Cabdiraxmaan Cagaweyne ay sawirro lasoo galeen.

Sidoo kale waxaa arrinta cirka ku sii shareertay markii qoraallo dadka ka yaabiyey lagu soo qoray baraha bulshada ee Xildhibaan Qaali Cali Shire iyo guddoomiyaha degmada Wardhiigley Seynab Xaabsay oo ku heyb ah ninkaan la sheegay inuu ka soo goostay Khawaarijta.

Fecabook-ga Xildhibaan Qaali Shire ayaa lagu soo qoray “Nuur-deeq kama xuma kuwo boqolaal laayey ee hadana xilal dowladda ka haya, caadi iska dhiga, isaga iyo Allaah ayaa ku xisaabtamaya, dowladuna cafis ayey u fidin doontaa, halkaan xabaa nooga jiray, isagana waan soo xareynay.”

Sidoo kale, Guddoomiye Seynab Xaabsay ayaa barteeda Facebook ku soo qortay “Ma isla soconaa? Waxaa yimid maandheere, soo dhawaaw mudane soo dhawaaw. Inta maangaabka ahna warkooda waa in bartooda loogu tago hadii kale noqda maandheerayaal gacan save ahna soo gala, dalkaan mudo yar kadib waa wada save inshaallah.”

Dhaqanka siyaasiyiinta beesha Sacad waxa ay dhaawac gaarsiisay da’daalada uu Madaxweyne Xasan Sheekh kula dagaalamayo argagaxisa baab’isay dowladnimada Soomaaliya.