(Hordhac) Qodobada lagu wado in ay soo saaraan beesha calamba (Akhriso)

Reading Time: < 1 minute

Kulamo isdaba joog ah oo lagu raadinayo sidii xal loogu heli laha siyaasadda cakiran ee soo food saartay hoggaanka sare ee Soomaaliya ayaa waxaa si xowli ah u wada safiirada beesha caalamka iyo hay’adaha fadhigooda yahay Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa MOL u xaqiijiyay in ay socdaan wadahadalo u gooni ah wadamada daneeya dalka Soomaaliya iyadoo ay cabsi ba’an ka qabaan in uu dalka markale dagaal sokeeye ka dhaco.

Qodoba dhowr ah oo miiska saaran sidii xal loo heli lahaa ayaa waxaa ka mid ah

  1. In lagu cadaadiya MW. Farmaajo in uu istaqlaalo ka keeno Ra’iisul Wasaare Khayre.
  2. In mucaaradka ka mid noqdaan dowladda la soo dhisi doono si loo helo awood qeybsi hormuud u noqota geeddi socodka siyaasadda iyo haykalka dowladnimo.
  3. In mucaaradka ay dib ula noqdaan mooshinka ay ka keeneen MW. Farmaajo

Waxaa sidoo kale loo jeedin doonaa dowladda MW. Farmaajo in si degdeg ah u dhaqan geliso qodobada hoos ku qoran.

  1. In ay dowladda federaalka ah joojiso fara gelinta ay kuheeyso doorashooyinka Koonfur Galbeed.
  2. In ciidanka ay dowladda Federaalka ah geeysay magaalada Baydhabo dib usoo celiso.
  3. In dib uheshiisiin udhexeeysa dowladda Federaalka ah iyo maamul gobaleedyadda si dhaqsa ah loo bilaabo

Hadii ay dowladda Federaalka ah ka dhaga adeegto talooyinka lagu wado in ay soo jeediyaan wadadamada beesha caalamka, waxaa ay ka qaadan doonaan go’aan rasmi ah, waxana lagala noqon doonaa dhammaan kaalmooyinka ay beesha caalamka siiso dowladda Federaalka ah.

Soomaaliya ayaa qarka usaaran in uu dagaal sokeeye kadhoco hadii aan si dhaqsi ah xal waara looga helin qilaafka jira.

Mooshin isla xisaabtan ah ayaa kayaala Ra’iisul Wasaare Khayre, Mooshin xil ka qaadis ahna wuxuu kayaa laa Madaxweeyne Farmaajo baarlamaanka.