Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS ayaa soosaaray jadwalka Doorashada & habraaca loo marayo diiwaangelinta kursiga tirsigiisu yahay HOP#147 ee uu ku fadhiyay Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed NISA Mahad Maxamed Salaad.
Kurisgaan oo deegaan Doorashadiisu tahay Magaalada Dhuusamareeb DG Galmudug ayaa tartanka Doorashada xubnaha isu diiwaangeliya la qaban doonnaa 1da Febaraayo 2023 oo ku beegan Arbacada Todobaadkaan.
Mahad Maxamed Salaad, ayaa kursiga HOP#147 ku guuleystay July 2021, waxa uu kamid ahaa Xildhibaannadii lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb xarunta DG Galmudug ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS.
Kursigan doorashadiisa ayaa xogaha aan heleyno sheegayaan in loo xiray shaqsi ay wataan madaxtooyada Soomaaliya iyo taliyaha NISA Mahad Salaad, doorashada kursigan ayaana noqon doonta mid lamid ah tii horey ugu soo baxay looguna xiray Mahad Salaad.
Doorashada kuraasta ka bannaan golaha shacabka uu ku jiro kii uu kusoo baxay loona diiday Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale la filayaa in dhawwaan la qabto, waxaana kuraasta bannaan dhammaan la filayaa in ay kusoo baxaan xubno ay wataan Damul Jadiid.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in la buuxinayo kuraasta ka bannan Golaha Shacabka oo qaarkood ay ka geeriyoodeen xubnihii ku fadhiyay, kuwa ayaa isaga tagay halka qaar kale muran-siyaasadeed awgii loo baaba’iyay natiijada doorashadooda.