Haweeneey magaceeda lagu sheegay Najax isla markaana ahayd hooyo shan caruura haysatay, ayaa geeriyootay kadib markii uu daad qaaday baabuur Probox ah, oo ay la socotay, isla markaana waxa lagu guuldaraystay in la bad baadiyo.
Goobjoog ku sugnaa halkaas ayaa yiri, “Waxay nagu lahayd walaalo miyaydaan jiidh damqada lahayn, i bad baadiya isoo gurmada, anaguna waxaanu aragnay in aanaan lahayn awood aanu kusoo bad baadino biyihiina way naga tan bateen, kadibna ashahaada ayaanu xasuusinay”.
Darawalkii baabuurka iyo ilmo yar oo ay gabartaa geeriyootay wadatay, ayaa ka bad baaday biyaha, isaga oo dirawalku uu ilmaha yar la dabaashay kadib markii ay baabuurkiisa biyuhu ka awood bateen.
Goobjooyaasha ayaa sheegay in ay in ay isku dayeen in ay darawalka ku qanciyaan in aanu dooxa ka talaabin laakiin uu ka dhaga adaygay soo jeedin tooda, isaga oo u arkayay in uu ka talaabi karo.
Waxa kale oo ay sheegay in ciidamada dab-damiska oo iyagu u tababaran bad baadinta dadka biyaha ku qarqooma, ay goobta shilku ka dhacay kasoo daheen, oo ay xili danbe soo gaadheen, taasina ay keentay in Najax la bad baadin kari waayo.
Maydka marxuumada ayaa la sheegay in la helay baadi doon badan kadib