Ciidanka Booliska magaalada Qardho ayaa gacanta ku dhigay haweeney ku eedaysan in ay dishay laba carruur ah oo ay dhashay
Ubax Cabdi Cismaan ayaa ku eedaysan dilka Majiid Maxamed Cabdi oo da’diisu tahay sannad iyo 8 bilood iyo Maysoon maxmed Cabdi oo jirta hal bil iyo shan cisho.
“Ciidamada Booliska Degmada Qardho ayaa gacanta kusoo dhigay Ubax Cabdi Cismaan oo dishay laba ciyaal ah oo ay dhashay” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Booliska Gobolka Karkaar.
“Majiid Maxamed Cabdi oo jira 1sano iyo 8 bilood iyo Maysoon maxmed Cabdi oo jirtay. Hal bil iyo 5 cisho ayay dishay Hoyadood” ayuu sidoo kale lagu sheegay qoraalkaas.