Hooyada dhashay Caasho Ilyaas”Gabadheeydu wali cadaalad ma helin”

Reading Time: < 1 minute

Hooyada dhashay Marxuumad Caaisha Ilyaas oo dil iyo kufsi loogu geystey degmada Galkacyo ee gobolka Mudug ayaa ka hadashay halka ay waxmarayaan.

Hooyada oo warbaahinta kula hadashay magaalada Galkacyo ayaa sheegtay inay ka sii rajo dhigayso caddaalad loo sameeyo gabadheeda aysanna ilaa hadda helin jawaab ay ku qancaan.

Waxa ay sheegtay in wixii xog looga baahnaa dilka gabadheeda horay looga qaaday haseyeeshee wax walba hadda la soo bilaabay isla markaana hadda dib loo bilaabay baaritaanka kiiska dilka Caaisha.