Waxaa goor dhow lagu soo tuuray hoobiyaal dhowr ah xarunta Madaxtooyada JFS oo ah hoyga uu degan yahay Madaxweyne M. Farmaajo.
Weli lama oga qasaaraha ka dhashay hoobiyaasha lagu garaacay Villa Soomaaliya, goobjoogayaal la hadlay MOL aya u sheegay in madaxtooyada dhexdeeda ay ka jirto kala carar, ciidankana la geliyay heegan.
Hoobiyaha la soo tuuray ayaanan weli noociisa oo kale lagu arag magaalada Muqdisho, waxaana uu lahaa dhawaq ka duwan hoobiyaasha lagu yaqaan kooxda Al Shabaab.
Wixii soo kordha dib ayaan idiinkaga soo sheegeynaa