Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomalaiya ayaa sheegaya in goordhow hoobiyeyaal lagu garaacay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Villa Hargeysa, xilli uu ky shirayeen xubnaha labada Gole.
Hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay afaafka hore ee xarunta, xilli uu soo dhammaaday kulan ay lahaayeen xildhibaanada labada Gole oo lagu ansixiyey habraaca doorashada guddoonka.
Xaaladda goobta ayaa mar qura is-bedashay, waxaana qal-qal amni laga dareemay xarunta Baarlamaanka oo ay ka socotay shaqo adag oo lagu dardargelinayo doorashada.
Sida ay ogaatay MOL waxaa jira khasaare u badan dhaawac iyo burbur ka dhashay hoobiyeyaasha lagu gaaray xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.
Arrintan ayaa sii kordhineysa walaaca laga qabo amniga dalka, xilli lagu kala guur iyo marxalad adag oo doorasho.
Faahfaahin dheeir ah ayaan idiin soo gudbin doonaa goor dhow