Hoobiyayaal lagu weeraray qeybo kamida Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Waxaa guud ahaan magaalada Muqdisho laga maqlayaa Jugta tiro hoobiyeyaal ah oo ku dhacay qeybo ka mid ah degmooyinka Wartanabadda, Xamarweyne iyo Howlwadaag.

Sida ay sheegayaa wararka hordhaca  in hoobiyayaasha badankood ku dhaceen aagga wasaaradda warfaafinta, Hotelka SYL iyo Xaafadda Ex-Fiyoore, waxaa jira khasaaro uu geystay, waxeyna dhagaha shacabka Muqdisho maqleen illaa 7 jug.