Waxaa caawa madaafiic lagu garaacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhusamareeb
Garoonka ayaa waxaa uu Saldhig ugu yaalaa ciidanka ATMIS ee ka soo jeeda dalka Jabuuti.
Garoonka ayaa lagu wareerary hoobiyayaal kuwaas oo laga soo tuuray deegaan aan ka fogaynin magaalada Dhuusamareeb.
Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegtay weerarkaas, waase loo badinayaa inay ka danbeyeen kooxda Al Shabaab.
Weerarkaan ayaa ku soo aadayo iyada oo madaxweyne Qoor Qoor ku sugan yahay magaalada Xaradheere.