Hon Mahad Salaad ayaa banaanka keenay Been Abuurka ay caadeysatay Wasiirada Caafimaadka XFS

Reading Time: < 1 minute

Kadib markii DFS ay usoo banbaxday ineey macaash ka raadiso Caabuqa Coronavirus COVID-19  ayaa Xildhibaan Mahad Salaad wuxuu Bilaabay inuu kadabatago Warka sheegayo in Soomaaliya laga helay Kiiski labaad ee Coronavirus, Iyadoo la og yahay in aysan jirin Kiis ay horay usheegtay

Hadal Qoraal uusoo saaray Xildhibaan Mahad Salaad ayaa yiri

“Waxaan mardhow wada hadalnay wiilka la yiri waxaad qabtaa caabuqa Coronavirus wuxuu ii sheegay in uusan arag wax calaamad ah oo muujinaya in uu qabo xanuunkaan. Wiilkaan ayaa ka mid ah dhalinyaradii saraakiisha ciidamada Soomaaliya ee tababarka u aaday dalka Talyaaniga oo dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Mogadishu, mudo 9 beri ah ayuuna meel ku karantiilnaa isaga iyo dhalinyaradii la socday.

Haddaba, su’aashu waxay tahay qof 9 maalmood meel ku karantiilnaa, ilaa hadana wax calaamad ah oo muujinaya in uu qabo xanuunkaas aysan jirin sidee loo dhihi karaa waad xanuunsan tahay. Sidoo kale sida Wasaarada Caafimaadka noo sheegtay qalab lagu baaro cudurkaan ma yaalo Soomaaliya marka sidee ku ogaadeen?

Waxaa ii muuqda cudurkaan in uu noqday mashruuc lagu qaraabanayo oo la rabo aduunka in lacag looga cuno, mana ahan wax la aqbali karo in dadka Soomaaliyeed la argagax geliyo si dhaqaale looga sameeyo. Sidaas daraadeed waxaan ku talinayaa saraakiisha Wasaarada Caafimaadka ee arintaan sheegay in aan looga harin sheegashadooda ee baaritaan dheeri ah la sameeyo!

Hon. Mahad Salad