Hogamiyaha Ahlu Suna Oo Ku Wajahan Guriceel Kadib Heshiiskii Uu La Galay Madaxda Galmudug

Reading Time: < 1 minute

Waxa maanta la filaya in degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud dib ugu laabto hoggaamiyaha Ahlusuna Wal-jamaaca ee Maamulka gobolada Dhexe balse ku biiray Maamulka Galmudug.

Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan ayaa Maalmahaan ku sugnaa Magaalada Muqdisho kadib heshiiskii uu la galay Madaxda Galmudug,waxaana haatan Guriceel iyo Dhuusa Mareeb laga dareemayaa soo dhaweynta Sheekh Axmed Shaakir.

Ammaanka magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay,
Waxa lagu wada in marka uu dib ugu laabto deegaanadiisa uu kulamo la qaadan doonaa waxgaradka gobolada dhexe.

Waxaa la filayaa maalmaha soo socda in degmada Dhuusa Mareeb uu gaaro Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Maamulka Galmudug , halkasina lagu dhameystiro heshiiskii iyo isku biiritaankii Galmudug iyo Ahlusuna.

Xarumaha Maamulka ay ku Shaqeeyaan ee Magaalada Dhuusa Mareeb ayaa waxaa laga taagay Calanka Maamulka Galmudug taas oo muujineysa in ay midoobeen.