Waxaa magaalada Addis Ababa ku sugan qaar kamida hogaanka xisbiga mucaaradaka ee Somaliland. Hogaankaan ayaa la sheegayaa inay halkaas ay kulamo gaar gaar oo qarsoodi ah kula leeyihiin madaxda safaarada dalka Shiinaha ee fadhigeeda yahay magalaada Addis Ababa.
Dowlada ay hogaamiyo xisbiga Kulmiye ayaa waxa ay xiriir toos ah la yeesheen dowlada Twain taas oo ka xanaajisay dowlada Shiinaha. Xiriirka ay Twain la yeelatay Somaliland ayaa dhaawac siyaasadeed gaarsiisay danaha Somaliland ee caalamka.
Talaabada ay qaadeen hogaanka Xisbiga Wadani waxa uu god dheer ku sii rideysaa rajadii ay Somaliland ka lahayd in ay heshi ictiraaf.
Wararka ka imaanaya Addis Ababa ayaa sidoo kale sheegaya in inta hogaanka Xisbiga Wadani ay joogaan magaalada Addis Ababa ay halkaasi kula kuli doonaan wafdi ka socda beesha Dhulbahante oo uu jiro Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Xirsi.
Kulankaas ayaa laga yabaa in ayan wax badan ka soo bixin ilamaa uu Xisbiga Wadani ogolaado baaqa ay soo saareen beesha Dhulbahante ee ahaa inay ka go’een Soomaaliya. Beesha Dhulbahante ayaan marnaba ku soo noqo doonin Somaliland.