Hoggaanka SSC-khaatumo ayaa gebi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidamo ka tirsan Puntland ay ka dagaallamayaan degaanka Laascaanood.
War-saxaafadeed ka soo baxay SSC-Khaatumo ayaa lagu caddeeyay in aysan jirin ciidamo ka tirsan Puntland oo ka dagaallamaya Laascaanood islamarkaana magaalada ay difaacayaan dadka degaanka u dhashay.
” SSC-Khaatumo waxa ay markale ku celineysaa in aysan jirin ciidamo Puntland ka tirsan oo ka dagaalamaya Laascaanood, waxaana magaalada iyo deegaankaba difaacanaya dadkii lahaa” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale Somaliland ku eedeeyay in ay caadeysatay marin- habaabinta bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka mar walba oo lagula taliyo in ay ciidamadooda duullaanka ah kala baxaan gobolka Sool.