Waxaa labadii asbuuc ee la soo dhaafay si dar-dar ah ku socday qoritaanka ciidan cusub oo ku soo biiraya ciidanka PSF ee hoosyimaada qoyska reer Diyaano. Ciidanka la qorayo ayaa laga soo xulayaa guud ahaan degaanadda ay ka koonban tahay dowlad Goboleedka Puntland.
Tilaabada uu qaaday taliyaha Ciidaanka PSF Janaraal Maxamuud Cismaan Cabdullahi Diyaano ayaa imaaneyso ka dib markii Saciid Cabdullahi Deni ku fashilmay in uu si xoog iyo xeelad ahba uu ciidanka PSF uga wareejiyo qyskaa reer Diyaano.
Ma jiro war rasmi ah oo ku saabasan sababta keentay in Janaraal Maxamuud uu u qoro ciidan cusub, laakiin warar hoose ayaa sheegay in uu qorshu yahay in ciidanka cusub lagu badalo ciidanka uu Saciid Deni lacagta uu ku iibsaday.
Wararka ay heshay MOL ayaa sheegaya in ciidanka cusub loo qoray mushaar ka badan kuwa uu bixiyo Saciid Deni isla markaana la siin doono xuqauq dheeraad ah. Waxaa magaalada Boosaaso ku sii qulqulaya dhalin yaro dooneysa in ayay ku biiraan ciidanka PSF.
Dhanka kale Saciid Deni oo ku fashilmay qorshihiisii uu ku doonayay in uu xog ku qabsado magalaadda Boosaaso ayaa la filaya in uu maalinta berito ah uu tago halkaas iyada oo uu doonayo ku qabto doorashada kuraasta taala magalaada Boosaaso.
Sida muuqata, waxaa aad u adkaan doonta in Saciid Deni uu Madaxweyne ka sii ahaado Puntland mar hadii uu ku fashilmay in uu awood ku qabsado degaano ka tidsan Puntland.