Hogaamiyayaasha M/goboleedyadda oo Sameeysanaayo Iskaashi ay ugu Madax Banaan Doonan Dowlada dhexe!!!

Reading Time: < 1 minute

Xog Hoose oo aynu helnay ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada qeybta ka ah Dowlada Soomaaliya ay ku heshiiyeen inay Madaxweynaha Soomaaliya la galaan heshiis ku saabsan in ay u madax banaan yihiin Heshiisyada caalamiga iyo Mashaariicda dowladaha taageera Soomaaliya.

Qorshahan oo la sheegay inuu soo jeediyay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka dambeeyay markii heshiisyo badan oo maamul gobaleedyada ay la galeen Dowlada Imaaraadka ay ka dhaqan gali waayeen Dowlada Soomaaliya.

Shirka ugu horeeya oo ay iskugu imaan doonaan Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo Maamul Gobaleedyada ayaa laga yaabaa in qorshahan ay kusoo bandhigaan Madaxdan laakiin Madaxweyne Farmaajo ayay adkaan doontaa sida la saadaalinayo inuu aqbalo arintan.

Si kastaba ha ahaatee Dowlad Gobaleedyada ayaa ka cabanaya in Mashaariicda ay hesho Dowlada Soomaaliya ay ku koobtay Muqdisho, taasoo iyagana ku qasabtay inay heshiisyo gaar ah la galaan dowladaha taageera Soomaaliya.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!