Hogaamiyayaasha M/Goboleedyadda oo Beesha Caalamka u sheegay in Hadii uusan Rw-Kheeyre  Iscasilin Ayna Aqbali doonin Heshiis la dhex-dhigo Iyaga Iyo DFS!!

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya waxaa ku shirsanaa Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada Marka laga reebo Madaxweyne Maxamed Cabdi waare iyo Xubnaha Beesha Caalamka ee Saldhigoodu yahay Halkaasi,iyagoo ka wada-hadlaayay xaalada siyaasadeed ee Murugsan.

Sida ay sheegayan Wararka ay Heleeyso MUQDISHO ONLINE Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada waxaa ay Beesha Caalamka ku Wargeliyeen in aysan aqbali doonin waanwaan la dhex dhigo iyaga iyo dowlada dhexe hadii uusan R/wasaare Xassan Cali Kheeyre iscasiliin.

Shirka ayaa lagusoo waramayaa in la isku mari-waayay islamarkaana dib loo dhigay  qodobada lagasoo saari lahaa,waxaana Beesha caalamku ogaatay in laga gardaran yahay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda.

Xukumadda R/wasaare Xassan Cali kheeyre ayaa la Rumeeysan yahay in ay awood toos iyo Fara-gelin aan gambasho laheeyn kula kacday maamul Goboleedyadda taasi oo sababtay Gadoodkaani.

Waxaa la Rumeeysan yahay in shirkaani ay Dowladu aad uga baqdin qabto Maadaama ay ka qeeyb-gelayaan safiirada  Dalalka taageerada Siiyo Soomaaliya,