Hogaamiyayaal Sar Sare oo Al-shabaab Looga Dilay Duqeeyn ka dhacday Ceelbuur!!

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud gaar ahaan Degmadda Ceelbuur ayaa sheegaya Diyaarado Dagaal ay duqaymo la beegsadeen Saraakiil iyo Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab.

Maamulka Degmadda Ceelbuur ayaa Warbaahinta u sheegay in Duqaymaha lala Beehsaday Gaari iyo Saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin Ceel buur.

Gudoomiyaha Ceelbuur  Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in Saldhigga Weerarku ka dhacay uu ka socday Shir ay lahaayen Saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Diyaaradda Duqaynta geeysatay oo aan wali la ogeeyn Wadanka laga leeyahay ayaa ah nuuca aan Cidina wadin ee drones-ka loo yaqaano, sida uu xaqiijityay Gudoomiye nuur xasan guutaale.

Goobta ay Duqayntu ka dhacday waxay Dhinaca koofur Galbeed 9KM uga beegantahay Degmadda Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud oo Al-shabaab ay maamulaan.

Ragga Weerarka lagu Dilay Qaarkood waxaa lasheegay in ay yihiin Raggii Dhinaca Wacyi Galinta u qaabilsanaa Al-shabaab.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa Warbaahintooda ku baahiyay in Duiqaymaha ka dhacay Ceel buur lala beegaday Dad rayid ah, waxayna beniyeen in Waxyeelo ay soogaartay Saraakiil iyo Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab

Dowladda Mareeykanka ayaa soomaaliya ka Fulisa Weeradda ka dhanka ah Al-shabaab, walina majiro war kasoo baxay Taliska Mareeykanka ee Qaaradda Africa oo ku saabsan Duqaymaha Galgaduud ka dhacay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!