Wararka aynu ka heleeyno Degmada Jilib Ee Gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Galabta uu halkaasi ku Geeryooday Hogaamiyahii Al-shabaab Axmed Cumar Abu-Cubeyda .
Sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Sirdoonka Qaranka Axmed Cumar Abu-Cubeyda ayaa u geeryooday Xanuun Bilooyinkii Dambe lasoo darsay.
Sidoo kale Wararku waxaa ay intaasi ku darayaan in Dhaawac kol hore soo gaaray in uu sababsaday islamarkaana uu u geeryooday.