Hogaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran oo kulmay Safiirka Mareykanka Soomaalia u fadhiya

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ahna hogaamiyaha madasha xisbiyada qaran iyo safiirka Maraynka u jooga Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa maanta Muqdisho ku kulmay.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu danbeeyey ee siyaasadda Soomaaliya, waxaana ay isku raaceen in Dowladda Soomaaliya, Maamul Goboleedyada iyo mucaaradka ay si wadajir ah uga shaqeeyaan wanaagga Soomaaliya iyo doorashada guud sida lagu sheegay qoraal ay twitter-ka soo dhigtay safaaradda Mareykanka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!